SO | EN

SO | EN

Antony Blinken oo booqanaayo labo kamid ah dalalka AFRIKA

|

Washington (Kaab TV) – Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u safri doona dalka Itoobiya toddobaadka soo socda, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Jimcihii, iyadoo walaac laga qabo dhaqan-gelinta heshiiskii nabadeed ee ka dhashay colaadda gobolka Tigray oo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof, boqollaal kun oo kalena ay ku barakaceen.

Booqashadan AYAA lagu wadaa  in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ka shaqeeyo sidii uu mar kale uga soo dhex muuqan lahaa masraxa caalamka kadib dagaalkii Tigray ee labadii sano ee la soo dhaafay,

Sidoo kale waxa ay kusoo aadeysa iyadoo ciidamada shisheeye ay kusii jiraan gobolka iyo caqabadaha maamulka ee caqabadda ku ah gurmadka howlaha bini’aadannimada.

Blinken ayaa sidoo kale booqan doonaa Niger, oo ah saaxiibka muhiimka ah ee amniga Mareykanka, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price.

Booqashadan ayaa sidoo kale noqon doonto tii ugu horeysay ee uu abid ku tago dalka Niger xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Afrika ayaa u soo baxday inay diiradda saareyso Washington, iyada oo dooneysa inay isu muujiso inay tahay saaxiibka dalalka gobolka, iyada oo tartan kula jirta Shiinaha, oo isku dayaya inay ballaariso saameynteeda iyada oo maalgelinaysa mashaariicda kaabayaasha ee qaaradda.

Booqashada Addis Ababa iyo Niamey waa mid ka mid ah booqashooyin heer sare ah oo maamulka Biden uu qorsheynayo inuu ku tago Afrika sannadkan.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News