SO | EN

SO | EN

Ra’iisul Wasaaraha Masar iyo dhiggiisa Soomaaliya oo ka wada hadlay maalgashiga, ganacsiga amniga gobolka.

|

QAAHIRA (KAAB TV) -Ra’iisul wasaaraha Masar, Mostafa Madbouly ayaa magaalada Qaahira kula kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyagoo ka wada hadlay arrimo khuseeya danaha labada dal iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Kulanka Sabtidii oo ay ka mid ahaayeen Safiirka Soomaaliya ee Qaahira Cali Cabdi Awaare iyo Ibrahim El-Khouly oo ah ku xigeenka kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Geeska Afrika, ayaa hoosta ka xariiqay xiriirka qotoda dheer ee taariikhiga ah iyo istiraatijiyadeed ee labada dal.

Madbouly ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashada Barre, isagoo xusay inay daba socotay heshiisyadii lagu gaaray kulankii ay 14-kii August magaalada Qaahira ku yeesheen madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Masar waxay si buuxda uga go’an tahay inay taageerto Soomaaliya aan walaalaha nahay,” ayuu yiri Madbouly. “Masar waxaa ka go’an in ay taageerto midnimada Soomaaliya.”

Madbouly wuxuu iftiimiyay sida ay Masar uga go’an tahay inay Soomaaliya siiso dhammaan taageerada lagama maarmaanka ah ee dhinacyada oo dhan, oo ay ku jiraan xiriirka dhaqaalaha, ganacsiga, iyo maalgashiga.

“Dawladda Masar waxay si firfircoon uga shaqaynaysaa taageerada iyo xoojinta xiriirka dhaqaale, ganacsi, iyo maalgashi ee ka dhexeeya Qaahira iyo Muqdisho,” ayuu yidhi.

“Waxaan aad u daneyneynaa inaan sare u qaadno iskaashiga iyo fududeynta maalgelinta lagama maarmaanka u ah ganacsiga iyo hawlaha maalgashiga ee labada dal iyadoo aan dhiirigelineyno maalgashiga cusub ee Masar ee Soomaaliya.”

Madbouly ayaa rajo ka muujiyay in Ra’iisul Wasaare Barre uu dhawaan kafaalo qaadi doono shirka madasha ganacsiga Soomaaliya, kaasoo ay isugu imaanayaan ganacsatada labada dal ee qeybaheeda kala duwan.

“Waxaan diyaar u nahay inaan dhoofino badeecad kasta ama badeecooyin ay Soomaaliya u baahan tahay,” ayuu yiri. “Waxaan ku dadaali doonnaa sidii aan u fududeyn lahayn soo gelitaanka badeecadahan iyo badeecooyinkan si aan u daboolno baahiyaha dadka Soomaaliyeed.”

Wuxuu kaloo bogaadiyay tillaabooyinka kor loogu qaadayo iskaashiga labada dal, isagoo tusaale u soo qaatay furitaanka duulimaad toos ah oo isku xiraya Qaahira iyo Muqdisho iyo furitaanka safaaradda Masar ee Muqdisho bishii Agoosto.

Masar iyo Soomaaliya ayaa dhawaan dib u xaqiijiyay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo adkeynta amniga gobolka iyaga oo kala saxiixday heshiiska difaaca iyo hab-maamuuska iskaashiga milatariga.

Ra’iisul Wasaare Barre ayaa muujiyay doorka Masar ee ah “walaalkii ka weynaa” ee Soomaaliya oo ay kala dhexeyso xiriir adag oo soo jireen ah.
Waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Masar ay Soomaaliya ka taageerto xaaladda adag ee ay hadda ku sugan tahay, oo ay dowladaha qaar ay isku dayayaan in ay kala qeybiyaan dalka.

“Hoggaanka siyaasadda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed waxay uga mahadcelinayaan Masar taageerada iyo garab istaagga ay nala garab taagan yihiin,” ayuu yiri Barre.

“Iskaashiga Masar iyo Soomaaliya waa mid dhinacyo badan leh,” ayuu yiri. “Tani kuma cusba Masar sababtoo ah Muqdisho waxay iskaashi taariikhi ah la leedahay Qaahira. Masar waligeed waxa ay safka hore kaga jirtaa wadamada ina taageera”.

Barre ayaa xusay in iskaashigu uu ka kooban yahay iskaashiga dhinacyada siyaasadda, ganacsiga, maalgashiga, iyo iskaashiga dhinacyada dhaqanka iyo waxbarashada, iyadoo Masar taariikh ahaan ay deeqo waxbarasho oo badan siiso ardayda Soomaaliyeed.

“Waan ku faraxsanahay xiriirkan sharafta leh waxaanan raadineynaa inaan sare u qaadno heer walba,” ayuu raaciyay.

Barre ayaa dib u eegis ku sameeyay xaaladda Soomaaliya ka jirta, isagoo tilmaamay horumarka dhabta ah ee uu dalku ka sameeyay sanadihii u dambeeyay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada.

“Dhaqaalaha, Soomaaliya waxay ka markhaati kacday kobac la taaban karo oo GDP,” ayuu yidhi. “Dakhliga guud ee dalka ayaa sidoo kale aad u kordhay. Xaaladda ammaan aad ayay u soo hagaagtay, waxaana mahadda leh taageerada Masar, Soomaaliya waxay awood u yeelan doontaa inay u gudubto marxalad cusub oo horumar ballaaran iyo ammaan ah.

Intii uu kulanka socday ayaa Ra’iisul Wasaare Barre waxa uu soo bandhigay codsiyo dhowr ah oo ku aadan in laga taageero xoojinta xiriirka labada dal. Wuxuu rajo ka muujiyay kor u qaadida iskaashiga ka dhaxeeya ganacsatada Masar iyo Soomaalida ee dhanka beeraha, isagoo xusay in Soomaaliya ay hodan ku tahay xoolaha iyo kalluumeysiga, oo ah waaxyo faa’iido u leh suuqa Masar.

“Waxaan bixin doonaa dhammaan tasiilaadka lagama maarmaanka u ah maalgashi kasta oo Masaarida ah oo doonaya inuu ka shaqeeyo Soomaaliya,” ayuu yiri Barre.

Safiirka Soomaaliya ee Qaahira ayaa ku nuux nuuxsaday xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya iyo in taageerada Masar aysan ahayn mid cusub balse ay tahay mid soo jireen ah.

“Xiriirkani waa mid taariikhi ah, taageerada Masarna ma ahan mid cusub,” ayuu yiri danjiraha. “Waxay dib ugu noqotaa wakhtiyadii hore, laga soo bilaabo xilligii Faraaciinta markii safarrada ganacsiga ee u dhexeeya Masar iyo dhulka Punt la duubay xilligii boqoradda Hatshepsut.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News