SO | EN

SO | EN

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka digay qorshaha dowladda Soomaaliya ay maamulka hawada ugu wareejineyso shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

|

Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay go’aankii dowladda Federaalka ay ku sheegtay in maamulka hawada Soomaaliya lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo NAV-PASS.

War-saxaafadeed uu soo saaray Axaddii, Farmaajo, wuxuu ku dooday in ku wareejinta maamulka hawada Soomaaliya cid shisheeye ah ay wiiqayso horumarka ay sameeyeen khubarada duulista hawada, isla markaana ay khatar ku tahay danaha qaranka.

“In maamulka hawadeena lagu wareejiyo dowlad shisheeye kaliya ma ahan mid dib u dhac ku ah madax banaanideena balse sidoo kale waa qiyaano lagu sameeyay shaqada naf-hurnimada ah ee ay qabtaan xirfadlayaasha Soomaaliyeed” ayuu yiri.

Farmaajo oo ahaa Madaxweyne markii ay Soomaaliya dib ula soo noqotay maamulka hawadeeda in ka badan labaatan sano, waxa uu carabka ku adkeeyay in kaabayaasha iyo khibradaha duulimaadyada ee dalka ay ku filan yihiin in lagu maareeyo howlaha hawada iyadoo aysan jirin faragelin dibadeed. Wuxuu ugu baaqay dowladda inay dib u eegis ku sameyso heshiiska, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta qaranka ee hantida muhiimka ah.
Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya oo ka jawaabtay eedeyntaasi, ayaa sheegtay in Hawada Soomaaliya ay tahay Astaan ​​Qaran, isla markaana horumar la taaban karo laga sameeyay tan iyo markii ay dib ula soo wareegtay Dowladda Soomaaliya.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxa ay umadda Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in hawada dalka aysan ku shaqeyn karin gacmo kale, dowladduna ma oga qorshe ay ku suurtagelineyso arrintaasi” ayaa lagu yiri Facebook habeenimadii Axadda ee lasoo dhaafay.

Dowladda Federaalka ayaa la sheegay in ay kula heshiisay shirkadda NAV-PASS ee laga leeyahay dalka Imaaraadka in ay maamusho hawada Soomaaliya, isla markaana ay ka uruuriso dhaqaalaha ka soo xarooda isticmaalkeeda.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Soomaaliya ay dib ula soo noqotay maamulka hawadeeda sanadkii 2017-kii, taasoo soo afjartay in ka badan 20 sano oo Qaramada Midoobay ay kormeer ku sameyneysay dalka deriska la ah ee Kenya, kadib markii uu dalkaasi ka qarxay dagaal sokeeye sanadkii 1991-kii.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News