Muqdisho (KAAB TV) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in dalka uu ku tallaabsaday horumarro dhaqaale oo baaxad leh, kaddib markii laga cafiyay deymaha lagu leeyahay, taasina ay muujineyso natiijada dadaallada wadajirka ah ee la sameeyay.
Hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka ayaa ansixiyay balaayiin deyn ah oo dowladda federaalka Soomaaliya looga cafiyay kadib markii dalka Geeska Afrika uu soo gabagabeeyay sanado badan oo dib u habeyn lagu sameeyay dhaqaallaha hoos yimaada Hindisaha wadamada deymaha leh.
Wasiir Biixi Iimaan Cige waxa uu intaasi ku daray inay jiraan Soomaali badan oo ku nool dalka Maraykanka oo guulo waaweyn ka soo hooyey dhinaca ganacsiga, waxaanu ku amaanay dedaalkooda.
Waxa uu tilmaamay in deyn cafinta ay sahashay in la helo ilo dhaqaale oo dheeri ah oo muhiim ah iyo dib u habeynta dhaqaalaha maadaama dalku uu horumaray lana xoojiyay dhaqaalihiisa.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Biixi Iimaan ayaa tilmaamay in madaxda hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka uu kala hadlay dib u habeynta iyo horumarka ballaaran ee dhaqaale ee dalka.
“Soomaaliya ka dib markii deyn cafinta ay horumar weyn ka sameysay dhanka dhaqaalaha, runtii waa arrin aad loogu farxo, waxaan ku dadaaleynaa in guulo waaweyn laga gaaro” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige.
Waxa uu Soomaaliya ku soo bandhigay shir dhawaan ka dhacay dalka Maraykanka iyo Wasiir Biixi Iimaan Cige oo kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxdii kala duwanayd ee kulankaasi ka soo qayb gashay oo uu kala hadlay xaaladda Soomaaliya.