MUQDISHO (KAAB TV) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul uga hadlay falalka qabyaaladda ku dhisan iyo isku horkeenista bulshada, oo lagu eedeynayo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
War-saxaafadeed uu soo saaray, Madaxweyne Shariif wuxuu ku muujiyay inuu ka xun yahay abaabulka qabyaaladeysan ee ku faafay baraha bulshada iyo siyaasadda Soomaaliya, kaas oo dhaawacaya wadajirka iyo masiirka umadda Soomaaliyeed. Wuxuu tilmaamay in dariiqa kaliya ee lagu difaaci karo dalka uu yahay midnimada iyo wadajirka ummadda, iyada oo aan loo eegin qabiil, koox, ama deegaan.
Shariif Sheekh Axmed wuxuu ku eedeeyay madaxda dowladda inay ku mashquulsan yihiin kala qaybinta shacabka halkii ay ka shaqeyn lahaayeen isku duubnida iyo mideynta dadka. Wuxuu ku baaqay in la iska daayo hadallada qabyaaladda hurinaya ee warbaahinta la isku mariyo, isagoo dowladda ku eedeeyay inaysan ka shaqeyneyn mideynta iyo abaabulka shacabka sidii ay dalkooda u difaacan lahaayeen.
Ugu dambeyn, wuxuu baaq u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku boorriyay inay ka gudbaan qabiilaysiga, is-collaysiga, iyo khilaafaadka dhexdooda ah, si ay u midoobaan oo u difaacaan qarankooda. Madaxweynihii hore wuxuu si gaar ah ugu baaqay madaxda dowladda inay ka shaqeeyaan midnimada dadka, oo aysan ku dhaqmin falal sii kala fogeynaya shacabka.
Arrintani waxay daba socotaa hanjabaadyo ka yimid odayaal beeleed ku hadlay magaca Hawiye, kuwaas oo u hanjabay xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

