MUQDISHO-Booliska Soomaaliya ayaa saakay barakicin ku bilaabay shacabka deggan xaafadda Bangaariyada oo ah dhulkii “Bankiga Dhexe” oo ku yaalla Xaafadda Buula-Xuubay degmada Wadajir ee Muqdisho.Sawiro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa mujinaya Booliska Muqdisho oo dibadda u soosaaray
qoysaska deggan xaafaddaasi iyo ashyaada kale ee ugu jiray dhismaha guryaha, Iyada oo aanan dadkan shacabka ah la siinin digniin iyo waqti ay ku baneeyaan guryahan oo ah hanti-daweyne .
Booliiska Mqudisho oo gaadiidja dagaal ku hubeysan ayaa saakay aroortii ku jarmaaday dadkan shacabka ah waxaana la hordhigay ciidan amar ka heysta Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Dhanka kale, illo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Kaab TV u xaqiijiyay in dhulkan loo baneenayo xaaska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale ganacsato Soomaaliyeed ,kuwaasi oo doonaya in ay maalgashtaan dhulkan.