Baydhabo (KAAB ) Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dr Maxamed Ibraahim Ali (Bilaal) U-Magacaabay La-Taliye Sare Arimaha Bulshada ee Xafiiska Madaxweynaha.
Talaabadan ayaa ka danbeysay ka dib wada hadal- dheer oo in muddo ah u socday Madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo Dr Maxamed Ibraahim Bilaal oo ah aqoonyahan kaalin ku leh geedi socodka dowladnimada maamulka Koonfur Galbeed.
Aqoonyahanka maanta la magacaabay ayaa ka mid ahaa dadkii salka u dhigay , Heshiiska nabadeed ee dhinacyadii isku hayay maamulka Koonfur Galbeed , taas oo keentay markii dambe xasilooni siyaasadeed.