JABUUTI (KAAB TV) – Madaxweynha kelitaliyaha ah ee Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa hambalyo diirran u diray Itoobiya iyadoo dalkaasi uu u dabaaldegayay bilowga sanadka cusub ee 2017, taariikhda Itoobiya, oo bilaabmay 11-ka Sebtembar.
“Hambalyo diirran ayaan u dirayaa Itoobiya sanadka cusub ee 2017 ee taariikhda Itoobiya darteed! Waxaan u rajaynayaa barwaaqo iyo horumar. Eebbe ha xoojiyo xiriirka ka dhexeeya wadamadeenna ee ku saleysan iskaashi iyo midnimo,” ayuu Geelle ku soo qoray bartiisa rasmiga ah ee X.
Si ka duwan Soomaaliya oo daris ah, Jabuuti waxay xiriir saaxiibtinimo la leedahay Itoobiya, iyadoo Addis Ababa ay tahay isticmaalaha ugu weyn ee dekedda Jabuuti oo ah marin muhiim ah oo ay ku soo degto badeecadaha iyo dhoofinta Itoobiya.
Itoobiya waxay adeegsataa jadwalka Julian-ka, oo ku dhowaad siddeed sano ka dambeeya taariikhda Miilaadiga (Gregorian) ee inta badan dunidu isticmaasho.
Sanadka Itoobiya wuxuu ka kooban yahay 13 bilood, iyadoo dabaaldegyada sanadka cusub ee loo yaqaan Enkutatash ay calaamad u tahay dhammaadka xilliga roobka iyo ubaxa oo soo baxaya.
Maalinta koowaad ee sanadka waa fasax guud, waxaana laga xusaa dalka oo dhan.