SO | EN

SO | EN

LA KULAN Ganacsade fursad ka heley cunto waddaniga xilli Soomaaliya ay wajahayso cunto yaraan

|

GAROOWE (KAAB TV) – Inkastoo wadanka ay cunno yaraantu saameysay, oo malaayiin qofna ku nool yihiin xeryaha barakacayaasha, haddana dad badan oo Soomaaliyeed ayaa weli doorbida cuntooyinka dibadda laga keeno oo aan aad loo hubin halkii ay ka isticmaali lahaayeen cuntooyinka muhiimka ah ee gudaha ka baxa sida masagada, qamandiga, iyo digirta.

Si kastaba ha ahaatee, nin ganacsade ah ayaa arkay fursad gaar ah oo uu ku xallinayo faham la’aanta bulshada ka heysata faa’iidada cunto waddaniga isla markaana uu ku taageerayo noloshiisa.

Mustafe Isaq Aden, oo asal ahaan ka soo jeeda Koonfur-galbeed Soomaaliya, ayaa u soo haajiray Puntland, oo ah gobol deggan oo ku yaalla waqooyiga dalka. Waxa uu aas-aasay meherad yar oo cuntada lagu iibiyo, taas oo bixisa cunto kulul oo jaban oo ka samaysan masago, sarreen, iyo digir gudaha laga soo saaray, taas oo u adeegta dadka danyarta ah.

Hindisaha Mustafe ma ahan oo kaliya hab uu nolol iyo shaqo ku abuurtay. Waxay la jaanqaadaysaa dhaqdhaqaaq sii kordhaya oo ay sameynayaan dhaqaatiirta deegaanka, kuwaas oo hadda talinaya in bukaannadoodu u beddelaan cuntooyin caafimaad qaba oo laga helo gudaha.

“Waxaan ka shaqeynayay makhaayaddan muddo sanad ah hadda,” ayuu Mustafe yiri Mustafe oo la hadlay Kaab TV.

Hadda waxa uu u adeegaa macaamiil kala duwan, oo ay ku jiraan dalab maalinle ah oo uu ka helo shaqaalaha xafiisyada u dhow iyo xitaa xaafadaha, isagoo cuntada ugu geeya goobahooda shaqo iyo guryaha.

Soomaaliya waxay wajahaysaa abaaro daran, roobab aan la saadaalin karin, iyo isbeddelka cimillada sii kordhaya, taasoo sababtay abaartii ugu dheereyd ee dalka ka dhacda intii u dhaxaysay 2020 ilaa 2023.

Cunno yari ka dhalatay roob yarida ayaa sababtay in dalagga beeruhu soo bixi waayo, biyo yaraana ay dhacdo, iyadoo sidoo kale xoolo badan – oo ah kuwa nolosha Soomaali badan ku tiirsanaan jirtay ay le’anayaa.

Hay’adaha gargaarku waxay la tacaalayaan sidii ay baahida u dabooli lahaayeen dhaqaale la’aan iyo colaado jira awgood, taasoo ka dhigtay in dad badan aan si buuxda loo caawin karin.

Inkasta oo ay jiraan caqabadahan, Mustafe wuxuu awooday inuu qoyskiisa ka biilo shaqadan makhaayadda cintada ee guur-guurta, iwaxaana taa mahadeeda iska leh macaamiishiisa sii kordhaysa iyo nabadda ka jirta Puntland oo sahashay inuu si habsan u shaqeysto.

Mustaqbalka dhow, Mustafe wuxuu leeyahay yididiilooyin ka weyn. “Waxaan qorsheynayaa inaan ballaariyo makhaayaddan si aan uga dhigo ganacsi weyn, waxaana soo dhaweynayaa dadka kale,” ayuu yiri, isagoo rajo ka qaba suurtagalnimada nabadda iyo roobka wanaagsan, kuwaas oo sahli kara doona in la helo dalagga gudaha oo cunto ahaan uu Mustafe u iibin karo.

Dal la halgamaya gaajada sida Soomaaliya oo kale, makhaayadda cuntada ee Mustafe Isaq Aden waa wax ka badan ganacsi; waa astaanta adkaysiga iyo awoodda bulshada, iyada oo abuureysa xal waara oo ku habboon dhaqaalaha maxalliga ah iyo baahida daran ee loo qabo cunto caafimaad leh oo la heli karo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News