SO | EN

SO | EN

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay hamiga Milatari ee Itoobiya ee Badda Cas.

|

MUQDISHO (KAAB TV) –  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u sheegay in hamiga Itoobiya ee ah in ay awood ciidan ku yeelato Badda Cas uu halis ku yahay madax banaanida Soomaaliya, isagoo wacad ku maray in qorshayaashaasi aysan marnaba rumoobi doonin. Wareysi gaar ah oo uu siiyay Aljazeera, ayuu Madaxweyne Maxamuud ku sheegay ujeedka dhibka leh ee Itoobiya, ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ee ah inay saldhig ciidan ka sameysato biyaha Soomaaliya.

“Itoobiya ma rabto deked; waxay awood ciidan ku raadinaysaa Badda Cas, taas oo ah mid aan macquul ahayn,” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay Al Jazeera. Wuxuu si cad u sheegay in Soomaaliya ay si buuxda ula socoto damaca Itoobiya, ayna diyaar u tahay in ay iska caabiso dhaq-dhaqaaq kasta oo wax u dhimaya midnimada dhuleed iyo madax banaanida dalka.

Madaxweynaha ayaa ku macneeyey in hadafka Itoobiya ee Soomaaliya uu yahay labo arrimood oo kala ah in ay sameysato deked iyo in ay saldhig ciidan ka sameysato xeebaha Soomaaliya. Tallaabooyinkan, ayuu xusay, inay ku xad-gudbi doonaan madax-bannaanida Soomaaliya iyo shuruucda caalamiga ah labadaba.
Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in saddex wareeg oo wada-hadallo ah oo ay la lahaayeen Itoobiya—oo lagu qabtay Kenya iyo Turkiga—ay fashilmeen sababo la xiriira dalabaadka joogtada ah ee Itoobiya, kuwaas oo uu sheegay in ay wiiqayaan madax banaanida Soomaaliya. Waxa uu carabka ku adkeeyay in aysan dhici doonin wadahadal dambe haddii aysan Itoobiya ixtiraamin qaababka caalamiga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale soo hadal qaaday falkii ugu dambeeyay ee ay Itoobiya ka geysatay koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Itoobiya ay si sharci darro ah hub u soo galisay Soomaaliya, isla markaana ay la wareegtay garoommada diyaaradaha, iyadoo ku andacoonaysa inay ka hortagayso ciidamada Masar inay gudaha u galaan Soomaaliya. “Itoobiya waxay si sharci darro ah hub u soo gelisay Soomaaliya, waxayna isku dayday inay la wareegto garoomo diyaaradeed, iyadoo ku andacoonaysa inay tahay mid lagu joojinayo ciidamada Masar. Tallaabooyinkani ma laha saldhig sharci ah,” ayuu yidhi Madaxweyne Maxamuud.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo salka ku haya xiisada juquraafiyeed ee ku lug leh Badda Cas, amniga gobolka, iyo walaaca joogtada ah ee Itoobiya ka qabto saameynta Masar ay ku leedahay Geeska Afrika.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News