SO | EN

SO | EN

DOOD: Dhallinyarada ka baxda jaamacadaha, maxay u heli la’ yihiin shaqo?

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Sannad kasta in ka badan 20 kun oo dhallinyaro ah ayaa ka baxda jaamacadaha dalka, kuwaas oo soo bartay maadooyin kala duwan.

Hase yeeshee waxaa welu taagan caqabad weyn oo dhallinyarada ka heysata helista shaqo.

Dadka qaar waxay sheegayaan inaysan jirin shaqo ku filan dhallinyarada tirada badan ee kasoo qalin badalayna jaamacadaha, halka dadka qaar kale ay ku doodayaan in dhibaatadu ay tahay xirfad yari iyo tayada waxbarashada oo hooseysa.

Toddobaadkan wariyaha Kaab TV, Amiiro Suleymaan, ayaa la kulantay qaar ka mid ah dhallinyarada kasoo baxday jaamacadaha Muqdisho ku yaalla qaarkood, waxayna dhex dhigtay dood ku saabsan caqabadda helista shaqo ee heysata dhallinyarada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News