SO | EN

SO | EN

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo fashiliyay weerar ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose.

|

KISMAAYO (KAAB TV) -1Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Lagta Caanoole oo qiyaastii 15 KM u jira deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Nabadsugida dowlad goboleedka Jubbaland ayaa tilmaamay in ay fashiliyeen weerar qorsheysan oo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen deegaankaasi.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan aan ka fogeyn Buulla Xaaji, halkaasoo labada dhinac ay ku dagaalameen, waxaana dagaalka uu socday muddo kooban, waxaana ciidamada Jubbaland u suuragashay inay ka adkaadaan Shabaabkii weerarka soo qaaday, kadibna ay gabi ahaanba kala eryeen ciidamadii dagaalamay.

Howlgalka difaaca ayaa ahaa mid ka dhashay sirdoonka Jubbaland oo helay xog ku saabsan isu soo uruurinta iyo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, taasi oo keentay in ciidamada daraawiishta ay fashiliyaan weerarka.

Ciidanka ayaa la sheegay in ay si deg deg ah u sameeyeen isku shaandheyn, iyagoo qaaday weerar difaac ah, kuwaas oo ku guuleystay in ay jabiyaan dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana la xaqiijiyay in howlgalkaas lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab inkastoo aysan sheegin khasaaraha dhabta ah.

Deegaanka Buula-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose ayaa dhawaan waxaa laga saaray Al-Shabaab kadib howlgallo adag oo ay sameeyeen, waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Federaalka.

Sirdoonka Jubbaland ayaa mudooyinkan dambe waxa ay xoojiyeen howlgalada amniga lagu xaqiijinayo si looga guuleysto qorshayaasha ay maleegayaan dagaalamayaasha Al-Shabaab, taasi oo suura galisay in laga hortago weeraro badan oo argagixisanimo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News