Mahadaay (KAAB TV) -1Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa ATMIS Burundi ee ku sugan degmada Mahadaay ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle ayaa kulan ay yeesheen waxa ay uga hadleen howlgallada wadajirka ah ee ciidamada xoogga dalka si loo xaqiijiyo xasiloonida deegaanadaasi.
Ciidamada ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay halkaasi ka wadaan howlgalo adag oo is daba joog ah oo lagu xaqiijinayo amaanka iyo xasiloonida deegaanada ay sida buuxda ugala wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab iyaga oo xaqiijinaya howlgalada wadajirka ah ee joogtada ah.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si weyn uga qeyb qaatay xoojinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya si ay u sii wadaan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa ATMIS ee ka socda dalka Burundi oo howlgalka hoggaaminaya ayaa sidoo kale tilmaamay in ay qaadi doonaan howlgallo adag oo ka dhan ah dagaalyahannada Al-Shabaab, isla markaana ay beegsan doonaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan ilaa ay gebi ahaanba ka sifeynayaan gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab aysan joogsan doonin ilaa laga gaarayo guusha ugu dambeysa isagoo ammaanay askarta dowladda, ciidamada maxalliga ah iyo saaxiibada caalamiga ah ee kooxda ka saaray deegaanno ballaaran iyo deegaanno dhowr iyo toban sano ah ay maamulayeen.