Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Axmed Canshuur Xasan Jacfar oo usoo gacan galay DF, ayna shaaciyay arrimo xasaasi ah

|

Jowhar (Kaab TV)– Axmed Canshuur Xasan Shiiqoow oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howl-gala galbeedka Jowhar.

Axmed Canshuur oo magaciisa afgarashada ee kooxda uu ahaa Jacfar ayaa waxa uu Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 8 sano ah, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda.

Ninkan ayaa waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka socda, “Markii ay maqlaan erayga Macaawisley deegaanka ay joogaan ayay usii go’aan meel u jirto dhowr iyo soddan kiloomitir.”

Jacfar ayaa ka qeyb-galay dagaalo badan oo ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Shabaab ay markii hore ku maran-habaabiyeen Diinta, oo uu sheegay inay ka dhiganayaan marmarsiyo ay kusoo gambanayaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka hore waxay ku sheegayaan in waxa ay wadaan ee u dagaalamayaan inay yihiin wax xaq ah oo Diin ah. Markii aad gudahooda tagto waxa ku arke waxyaabo kale oo badalan oo diinba aheyn oo meel kala imaadeen la kaseyn,” ayuu yiri ninkaan sanadaha badan ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu ka tirsanaan jiray Jabhaadka ee gobolka Hiiraan, oo uu sheegay in uu amiir ka yahay nin lagu magacaabo Cabaas, “waxay deganaan jireen buurta Hiya-sooman oo ciidanka ka kiciyeen.”

“Anigoo fahansaneyn waxyaabaha dadka ku qaldayaan ayay igu duufsadeen oo waxay igu yiraahdeen Jihaad ayaa jiree kusoo biir, waxaa ka qeyb qaatay dhowr dagaal oo kala duwan, kuwa ugu waaweyn waxaa kamid ahaa gobolka Mudug, Bacaadweyne iyo Wisil.”

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Shabeellaha Dhexe oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigayay Axmed Canshuur ayaa waxay ugu baaqeen in dhalinyarada weli ka barbar dagaalameysa kooxda ay isa-soo dhiibaan ayna kusoo dhaweynayaan gacmo furan.

“Axmed Canshuur Xasan Shiiqoow waxaa lagu wareejin doona hay’adda Nabad-sugida si loo soo marsiiyo dhaqan-celin.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda, kaasi oo deegaano horleh looga qabsaday.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News