Garoowe (Kaab TV)– Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, taas oo ka kooban 10 nin.
Raggan ayaa waxaa lagu helay inay dilal ka geysteen gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kuwaas oo ay ugu dambeyn ay soo qabteen ciidanka ammaanka.
Maxkamadeynta raggan ayaa sidoo kale soo martay heerar kala duwan, waxaana ku jira xubno racfaan ka qaatay xukun dil ah oo horay loogu riday.
Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa sidoo kale soo bandhigtay caddeymo maqal iyo muuqaal ah oo ay eedeesanayaashu ku qiranayeen in ay ka dambeeyeen dilal madax-jebis ah iyo qaraxyo intooda badan ka dhacay Gaalkacyo dhinaceeda koonfureed ee Galmudug.
10 nin ee la xukumay ayaa kala ah:- 1-Cadde Cabdulahi Maxamed Cilmi, 2-Cabdiqani Saleemaan Jaamac Sayloor, 3-Xasan Jaamac Maxamed, 4-Maxamed Cali Axmad Muuse, 5-Farxaan Faysal Salaad Xirsi, 6-Cabdulahi Faysal Xuseen, 7-Barkhad Cawil Xirsi Nuur, 8-Liibaan Aaden Muuse, 9-Cabdiqani Farxaan Abdulahi iyo 10-Cabdiraxman Cawil Maxamed
Sidoo kale waxaa raggan ku jira Cadde Cabdulahi Maxamed Cilmi iyo Cabdiqani Saleemaan Jaamac Sayloor, oo loo heysto dill Gaalkacyo loogu geystay Wariye Jamaal Faarax Aadan .

