Muqdisho (KAAB TV) – Ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa maalmahan u muuqda mid sii xumaanaya, waxaana magaalada ka dhacaya dilal qorsheysan, qaraxyo iyo falal kale oo amniga caasimadda liddi ku ah.
Sidoo kale, bilihii lasoo dhaafay ayaa amniga Muqdisho u muiuqday mid soo hagaagayay kaddib markii inta badan magaalada la galiyay kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, taa oo yareesay dilalkii ay Al-shabaab geesan jireen iyo sidoo kale falalka dhaca iyo dhibaatooyinka kale ee ciidamada DFS iyana geesan jireen.
Dhanka kale, Al-shabaab waxa ay bilaabeen in howl ka dhigtaan sidii meesha looga saari lahaa kaamirooyinka qarsoon ee CCTV ee lagu xiray goobaha ganacsi iyo guryaha kuyaalla caasimadda, waxa ayna kooxda dilal ku bilaabeen dadka xirtay kaamirooyinka.
Shalay kaliya magaalada Muqdisho waxaa lagu toogtay afar nin oo dhallinyaro ah kuwaa oo lagu weeraray goobo ganacsi oo ay joogeen, waxa kaliya ee raggaasi loo dilay ayaana aheyd in goobahooda ganacsi ay ku xirnaayeen kaamirooyinka CCTV.
Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa nabadsugida iyo booliiska ka howlgalla caasimadda Muqdisho ayaa ku fashilmay ilaalinta amniga dadka la beegsanayo, waxa ayna ciidamada kaliya awoodu leeyihiin in shacabka ugu hanjabaan n in la xirayo haddii kaamirooyinka CCTV goobahooda ka saaraan.
Qaar kamid ah ganacsatada Muqdisho ayaa go’;aansaday in ay xiraan goobahooda ganacsi si ay naftooda dil ama xarig uga badbaadsadaan, ganacsatadaasi ayaa dhanka kale wajahaya habjabaad uga imaaneysa ciidamada amniga oo ku wargalinaya haddii ay xiraan goobahooda ganacsi in mar dambe aysan furi doonin.
Sikastaba, Shacabka magaalada Muqdisho ayaana hadda quus taagan, ciidamada amniga ayaana dhankooda fashil ku jira, mana jiraan ilaa hadda cid ay usoo qabteen dilalka iyo dhaawacyada loo geesanayo ganacsatada ku fuliyay amarkii dowladda dhagahana ka fureestay hanjabaada Al Shabaab.