SO | EN

SO | EN

Xamz oo Muqdisho ka dhagax dhigay warshad ay ku baxeyso $37 milyan

|

Muqdisho (Kaab TV)– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Xamze Cabdi Barre ayaa maanta dhagax dhigay Warshadda Sameynta Burka oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda  laga hirgeliyo dalka burburkii kadib.

Warshadaan oo ay hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya dhisamaheeda 37-milyan oo doollar, sida uu shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xameze oo dhiirri-gelinaya maalgashiga Warshadaha iyo wax soo-saarka beeraha ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed ee hirgelinaya warshaddan, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay kobcinta maalgashiga gudaha, si dalkeennu uu uga baxo cunto yarida iyo gaajada.

“In aan wax soo saarano oo warshadaheena dib u kicino, oo shaqooyinkii qaban jireen oo weliba sii casriyeysan qabataan waa tallaabo wanaagsan oo dhaqaalaha dalka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee istaraatijiga noo ah wax ka qabana waaye,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Wax weyn ayay ka bedeli doonta baahida aan qabno, ayada aan ognahay inta aan soo dhoofsano iyo lacagta adag ee inooga baxda bur, in aan gudaheena kasoo saarano waxay keenni doonta horumar wanaagsan oo dhinicii dhaqaalaha iyo bulshadaba ah Ilaahay idinkiis.”

Xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamze ayaa qorsheynaysa sannadaha dhow in la sameeyo aag u gaar ah Warshadaha, wuxuuna ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee deggan xarumaha dowladda in la banneeyo, si loogu adeeggo dalka

Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in cunto yaridu ay tahay dhibaato weyn oo caalamka heysata, sidaas awgeedna ay xukuumaddu dhiirri-gelinayso maalgashiyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee xagga warshadaha iyo wax soosaarka beeraha.

Warshadda Burka oo ay hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya dhismaheeda 37 milyan oo dollar, iyada oo si maalinle ah u soo saari doonta 16,000 oo kiish (Loor).

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News