Islamapad (Kaab TV)– Masuuliyiinta dalka Pakistan ayaa Jimcihii sheegay in isbuurasho ay ka dhacday xarun lagu qaybinayey cunto bilaasha oo ku taalla dekedda Koonfureed ee Karachi
Dhacdadan waxaa ku dhintay ugu yaraan illaa 11 qof halka uu dhaawac soo gaaray shan qof oo kale.
Ciidamada booliska iyo kooxaha gurmadka ayaa sheegay in badi dadka uu dhaawaca iyo dhimashadu soo gaadhay ay yihiin haween iyo caruur.
Isbuurashadan ayaa ka dhacday barxadda wershedda Karachi, halkaas. oo la doonayey in shaqaalaha loogu qaybiyo cunto bilaash ah, bishan barakaysan ee Ramadaanta awgeed.
Hase ahaate boqollaal qof ayaa ka soo buuxsamay goobta kuwaas oo ku soo qabaabay inay saami ka helaan cuntada, waxaana goobta ka bilawday is-riixriix, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo laamaha ammaanku.
Dalka Pakistan oo ay ku nool yihiin in ka badan 230 milyan oo qof ayaa la baaxaa degaya duruufihii dhaqaale ee ugu xumaa ee soo foodsaara muddo tobanaan sano ah.