Kismaayo (KAAB TV) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah mar kale magaalada Kismaayo loogu doorto Madaxweynaha maamulkaasi, kaddib doorasho natiijada kasoo baxeysa lasii ogyahay.
Sidoo kale, Axmed Madoobe waxaa doorashada maanta dhaceysa kula tartamaya dhowr musharax uu isagu wato, kuwaa oo qaarkoodba laga yaabo in ay tanaasulaan, halka musharaxiinta kalana aysan helin doonin codad ay kaga guuleestaan Axmed Madoobe.
Dhanka kale, ammaanka magaalada Kismaayo ayaana saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin badan oo kuyaalla magaalada Kismaayo, waxaana saakay xiran qaar badan oo kamid ah goobaha ganacsi ee kuyaalla magaalada Kismaayo.
Sikastaba, Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa horey u sheegay in Axmed Madoobe kaligiis isku caano shubayo, waxa uuna caddeeyay in aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda doorashooyinka ka dhacaya magaalada Kismaayo.