SO | EN

SO | EN

Dabaageyo ka bilowday Dimishiq iyo mucaaradka oo ku dhawaaqay go’aano lama filaan ah

|

Dimishiq (KAAB TV) – Shacabka dalka Siiriya ayaa billaabay inay ku dabaaldagaan Fagaaraha Ummayad ee bartamaha magaalada Dimishiq, halkaasoo ay ku yaallaan wasaaradO dhowr ah sida, wasaaradda difaaca iyo xarumaha taliska ciidamada ka dib markii Xukunka laga tuuray Madaxweyne Asad.

Sidoo kale magaalooyinka kale ee dalkaas ayaa waxaa ka socda isku soo baxyo loogu dabaaldegayo mucaradka talada dalka la wareegay.

Xoogaga mucaaradka suniga ah ayaa labo todobaad ku soo afjaray iyagoo aan la kulmin dagaalo waaweyn xukunkii qoyska Madaxweyne Asad ee dalkaas ka jiray 54tii sano ee la soo dhaafay.

Dhanka kale, Telefishinka dawladda Suuriya ayaa baahiyay in xukunkii Bashaar uu dhacay, warqad laga akhriyay waxay diiwaanka ku galaysa inay Bashaar xukunka ka rideen shacabka, iyadoo muuqaalka laga fogeeyay qof kasta oo xiran dharka militariga ama sita hub.

Warsaxaafadeed lagula hadlayo shacabka Suuriya oo ay baahiyeen mucaaradka, waxay ku sheegeen in Suuriya cusub ay noqon doonto dawlad dammaanad qaadaysa sharafta, caddaaladda iyo hay’addo ka tarjumaya rabitaanka dadka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumaddii nidaamka Assad ee Suuriya, Mohammad Ghazi al-Jalali ayaa qaatay go’aan maangal ah, markii uu baahiyay muuqaal uu ku sheegayo inuusan ka bixi doonin Dimishiq oo uu heyn doono faylashii xarumaha dawladda, nidaam kasta oo hela kalsoonida shacabkana uu la shaqeyn doono, tani waxay dhalisay inay kalsooni siiyaan mucaaradka oo warsaxaafadeed rasmi ah ku sheegay inuu shaqada sii wado oo uu hoggaamin doono adeegga bulshada illaa xukunka lagala wareegayo, tan oo dhalisay in lagu amro agaasimayaashii iyo maareeyaashii hay’adaha dawladda inay shaqo galaan oo adeegga bulshada uu sidiisii u socdo.

Mucaaradka, waxay ku amreen ciidankii booliiska ee magaalo kasta oo ay ku jirto Dimishiq ee ay gacanta ku dhigeen inay shaqeeyaan oo aysan ka bixin, sidoo kale dawladaha hoose, adeegga gurmadka deg degga ah iyo xarumaha caafimaadka ayaa shaqeynaya.

Hoggaamiyaha mucaraadka ayaa soo saaray go’aan uu uga mamnuucayo xooggaga hubeysan inay gudaha u galaan xarumaha hay’adaha dawladda iyo adeegga bulshada, isagoo ku amray inuu shaqadii dawladda sii hoggaamiyo ra’iisul wasaarihii nidaamka Assad oo aan ka bixin Dimishiq, wax walbana waxay Dimishiq uga soconayaan sida uu jawigu ahaa maalin ka hor galitaanka mucaaradka.

Sikastaba, mucaaradka Suuriya, waxay ku dhawaaqeen in la xiray baal-kasta oo mugdi ahaa ee Suuriya, iyagoo caddeeyay qofkasta oo muwaadin Suuriyaan ah inay ula mid tahay waqtigan maalinta uu dhashay mana jirto qof dambile ah illaa midka ka soo horjeesta isbedelka dhacay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News