Shirkii maamul-baahinta Puntland oo go’aamo laga soo saaray

|

GAROWE (Kaab TV) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa si guul leh ku soo gabagabeysay shir saddex maalmood socday oo ka dhacay magaalada Garowe, laga soo bilaabo 17-kii ilaa 19-ka December 2024.

Shirkan oo diiradda lagu saaray tababarid iyo wada-xaajood dhex-mara Wasaaradaha iyo Dowladaha Hoose ee Puntland ayaa looga hadlay arrimaha maamul-baahinta, gaar ahaan: Baahinta awoodda maaliyadda (Fiscal Decentralisation), Adeeg bixinta, Isla-xisaabtanka, Awoodsiinta Dowladaha Hoose.

Qodobada ka soo baxay shirka:

  • Daadejinta Adeegyada Asaaska ah: Xoojinta xiriirka iyo wada-shaqaynta Degmooyinka iyo Wasaaradaha adeegga bixiya.
  • Wada-shaqaynta Dowladda Dhexe iyo Degmooyinka: Adkaynta wada-shaqaynta labada dhinac.
  • Santuukha Horumarinta Degmooyinka: Go’aanka lagu aas-aasayo Santuukha Horumarinta Degmooyinka Puntland.
  • Dardargelinta Cashuuraha Degmooyinka: Kicinta iyo dhamaystirka shuruucda la xiriirta cashuuraha Dowladaha Hoose.
  • Xoojinta Mashaariicda Horumarineed: Ku boorrinta beesha caalamka iyo Dowladda Puntland in ay taageeraan mashaariicda horumarineed, gaar ahaan Degmooyinka doorashooyinku ka dhaceen.
  • Dhowrista Deegaanka: Mamnuucidda jarista dhirta, laynta ugaarta iyo xaalufinta deegaanka.
  • Magaalaynta Dhulka Cusub: In aan dhul cusub la magaalo iyo la oodo iyada oo aan ruqsad laga haysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh.
  • Dib-u-eegista Xeerarka Dowladaha Hoose: Dedejinta dib-u-eegista iyo sixidda xeerarka iyo siyaasadaha lagu dhaqo Dowladaha Hoose ee Puntland.
  • Amniga iyo Isku-xirka Bulshada: Xoojinta nabadgelyada iyo isku-xirka bulshada Degmooyinka Puntland.
  • Shirka Sanadlaha ah: Go’aanka lagu qabanyo shir sanadle ah oo dhex mara Degmooyinka iyo Wasaaradaha Dowladda Dhexe, oo ay soo qabanqaabiso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.
  • Mahadcelin: Shirku wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan ka soo qaybgalayaashii, oo ay ugu horreeyaan Wasaaradaha kala duwan, Xafiiska Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland, Guddoomiyaasha Degmooyinka, iyo Hay’adda Kaalo.
DHEERAAD:  Ciidanka Puntland oo gubay fariisimo ay leeyihiin Daacish

Shirka ayaa lagu tilmaamay guul muhiim ah oo lagu taageerayo qorshaha horumarinta iyo dowlad-wanaagga Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News