GAROWE (Kaab TV) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa si guul leh ku soo gabagabeysay shir saddex maalmood socday oo ka dhacay magaalada Garowe, laga soo bilaabo 17-kii ilaa 19-ka December 2024.
Shirkan oo diiradda lagu saaray tababarid iyo wada-xaajood dhex-mara Wasaaradaha iyo Dowladaha Hoose ee Puntland ayaa looga hadlay arrimaha maamul-baahinta, gaar ahaan: Baahinta awoodda maaliyadda (Fiscal Decentralisation), Adeeg bixinta, Isla-xisaabtanka, Awoodsiinta Dowladaha Hoose.
Qodobada ka soo baxay shirka:
- Daadejinta Adeegyada Asaaska ah: Xoojinta xiriirka iyo wada-shaqaynta Degmooyinka iyo Wasaaradaha adeegga bixiya.
- Wada-shaqaynta Dowladda Dhexe iyo Degmooyinka: Adkaynta wada-shaqaynta labada dhinac.
- Santuukha Horumarinta Degmooyinka: Go’aanka lagu aas-aasayo Santuukha Horumarinta Degmooyinka Puntland.
- Dardargelinta Cashuuraha Degmooyinka: Kicinta iyo dhamaystirka shuruucda la xiriirta cashuuraha Dowladaha Hoose.
- Xoojinta Mashaariicda Horumarineed: Ku boorrinta beesha caalamka iyo Dowladda Puntland in ay taageeraan mashaariicda horumarineed, gaar ahaan Degmooyinka doorashooyinku ka dhaceen.
- Dhowrista Deegaanka: Mamnuucidda jarista dhirta, laynta ugaarta iyo xaalufinta deegaanka.
- Magaalaynta Dhulka Cusub: In aan dhul cusub la magaalo iyo la oodo iyada oo aan ruqsad laga haysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh.
- Dib-u-eegista Xeerarka Dowladaha Hoose: Dedejinta dib-u-eegista iyo sixidda xeerarka iyo siyaasadaha lagu dhaqo Dowladaha Hoose ee Puntland.
- Amniga iyo Isku-xirka Bulshada: Xoojinta nabadgelyada iyo isku-xirka bulshada Degmooyinka Puntland.
- Shirka Sanadlaha ah: Go’aanka lagu qabanyo shir sanadle ah oo dhex mara Degmooyinka iyo Wasaaradaha Dowladda Dhexe, oo ay soo qabanqaabiso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.
- Mahadcelin: Shirku wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan ka soo qaybgalayaashii, oo ay ugu horreeyaan Wasaaradaha kala duwan, Xafiiska Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland, Guddoomiyaasha Degmooyinka, iyo Hay’adda Kaalo.
Shirka ayaa lagu tilmaamay guul muhiim ah oo lagu taageerayo qorshaha horumarinta iyo dowlad-wanaagga Puntland.