Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Fiqi: Waxaan si cad u beeninayaa sheegashada ah in Itoobiya loo ogolaaday marin Badda Cas

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa beeniyay wararka sheegaya in Soomaaliya ay ogolaatay in Itoobiya loo fasaxo marin u helista Badda Cas, isaga oo ku tilmaamay wararkaasi kuwo aan sal lahayn.

“Waxaan si cad u beeninayaa sheegashada ah in Itoobiya loo ogolaaday inay hesho marin Badda Cas. Wararkani waa been abuur oo aan waxba ka jirin. Soomaaliya waxay ka go’an tahay inay ilaaliso madaxbannaanideeda iyo inay shacabkeeda si hufan ugu adeegto arrimaha qaran,” ayuu Fiqi ku qoray bartiisa X.

Hadalka Fiqi ayaa yimid kaddib markii warar hore oo loo aaneynayay uu sheegay in Soomaaliya ay ku heshiisay in Itoobiya loo ogolaado marin u helista Badda Cas, iyadoo qayb ka ah heshiiska Ankara Declaration oo uu Turkiga dhex-dhexaadiyay, laguna saxiixay 11-kii Diseembar 2024.

Heshiiska Ankara Declaration ayaa loogu talagalay in lagu soo afjaro xiisadda u dhaxeysay Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiis ay Itoobiya iyo Somaliland galeen 1-dii Janaayo 2024, kaas oo Itoobiya loogu ogolaaday inay isticmaasho Badda Cas, Somaliland-na ay raadineyso aqoonsi qaranimo.

Heshiiskan ayaa dhigayaa in guddi farsamo oo heer qaran ah la sameeyo si loo xalliyo khilaafaadka ku saabsan badda, iyadoo muddada afar bilood ah lagu soo gabagabeyn doono xallinta khilaafaadka labada dal.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska ayaa abuuray muran weyn, gaar ahaan gudaha Isbahaysiga Saddex Geesoodka ee Soomaaliya, Eritrea, iyo Masar, kuwaas oo ka soo horjeeda damaca Itoobiya ee ku aaddan Badda Cas.

Eritrea iyo Masar waxay u arkaan dadaalka Itoobiya ee marin u helista Badda Cas inuu khatar ku yahay xasilloonida gobolka.

Lataliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea, Cabdulkadir Idriis, ayaa u sheegay BBC Somali in heshiiskaasi uu halis ku yahay madaxbannaanida Soomaaliya isla markaana uu carqaladeyn karo xasilloonida gobolka.

“Heshiiskani waa mid degdeg ah oo aan si fiican looga baaraan degin,” ayuu yiri Idriis, isaga oo ka muujiyay caro ku aaddan sida Soomaaliya ay si dhaqso leh ugu aqbashay heshiiska. Waxa uu sidoo kale ka digay in heshiiska uu wiiqi karo iskaashiga horey u jiray iyo inuu keeni karo khilaaf diblomaasiyadeed.

Arrintan ayaa muujineysa khilaafka sii xoogeysanaya ee ku saabsan marin u helista Badda Cas, taas oo ah marin muhiim ah oo saameyn weyn ku leh siyaasadda iyo dhaqaalaha gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News