SO | EN

SO | EN

Hoobiyaal lagu tuuray guriga Wasiirka Batroolka oo khasaare sababay

|

Muqdisho (Kaab TV) — Qaar ka mid ah ilaalada Wasiirka Batroolka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray weerar hoobiyaal loo adeegsaday oo caawa lagu qaaday hoyga uu ka deggan yahay Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta amniga.

Hoobiyaasha ayaa la sheegay in lagu tuuray xeyndaabka madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo tiro aan la sheegin oo hoobiyaasha ay ku dheceen guriga Wasiir Cabdirisaaq oo agagaarka madaxtooyada ku yaalla.

Dhowr ka mid ah illaalada gaarka ee wasiirka ayaa la xaqiijiyay inay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay weerarkan.

Wasiirka Batroolka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo hoygiisa la weeraray.

Tirada ddhimashada iyo dhaawaca ayaan weli si rasmi loo shaacin, balsw ilo xog ogaaal ah ayaa u sheegay Kaab TV in dhaawaca loola cararay isbitaallada si loogu soo daweeyo.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo falalka amni darrida ee ka dhaca Muqdisho ay sii kordhayaan beryahan dambe ee bisha Ramadaan.

Wasiirka illaa hadda kama uusan hadlin weerarka lagu qaaday gurigiisa.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News