Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Faah-faahin laga helayo doomo lagu qabtay badda Soomaaliya iyo dalka ay kasoo jeedaan

|

Muqdisho (Kaab TV)– Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howl-gal ay sameeyeen ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, kaasi oo lagu soo qabtay 2 doon.

Doomahan ayaa waxay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha dalka, sida uu sheegay taliyaha ciidanka badda iyo difaaca xeebaha xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Mubaarak Cabdiqani Muuse.

“In ka badan 30 sano ayay doomahaan laga leeyahay Iiraan si sharci darro ah ay uga kalluumeysanayeen badda Soomaaliya,” ayuu yiri Taliye Mubaarak Cabdiqani Muuse.

Labada doon ee ay qabteen ciidanka badda ayaa waxay dowladda federaalka sheegtay in laga leeyahay dalka Iiraan, kadib markii xogo ku filan ciidamada badda ay soo diyaariyeen, si loo horgeeyo Maxkamadda awoodda u leh kiiskooda.

Ciidanka badda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ay ku raadinayaan maraakiibta iyo doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya, xilli ay digniin culus kasoo saartay dowladda federaalka Soomaaliya.

Horranta bishii hore ayay aheyd markii ay dowladda federaalka Soomaaliya ay digniin kasoo saartay maraakiib laga leeyahay waddamada shisheeye ee sida sharci daradda ah uga kalluumeystaan Badda Soomaaliya.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee XFS ayaa xilligaasi ku wargelisay dalalka ay maraakiibtoodu ku jiraan biyaha Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan badaha dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa hore waxay maraakiibta dalalka shisheeye uga dalbatay inay soo celiyaan hantida ay sida sharci darada ugu qaateen dalkeena, “Haddii kale waxaan la’la tiigsan doonaa sharciga.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News