MARKA (Baraarug) – Soomaaliya weli ma heysato hoggaamoye sax ah. Waa aragtida uu qabo Axmed Maxamed oo ka mid ah dhallinyarada ku nool magaalada Marka, ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.
Axmed wuxuu u arkaa in qofka hoggaamiyaha ah laga rabo inuu ummaddiisa danteeda ku adeego, oo uusan musuqmaasuq sameyn, dadkana caddaalad u falo.
Aragtidan waxay ka tarjumeysaa dareenka dhallinyarada Soomaaliyeed.