Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Shir madaxeedka 26-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).
Shirkaan oo ku qabsoomay fogaan arrag ayaa waxaa looga hadlay xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda dalka Congo, isaga oo dhinacyada dagaalamaya ugu baaqay in ay si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda sokeeye, ayna dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka.
“Madaxweynaha ayaa dul istaagay waayo aragnimada Soomaaliya ee colaadaha sokeeye iyo cawaaqib xumada ka dhalata, waxa uuna usoo jeediyay dhinacyada dagaallamaya inay ilaaliyaan goobaha rayidka iyo xarumaha diblomaasiyadda, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo xaquuqda Aadanaha” ayaa lagu yiri Bayaan ka soo Baxay Madaxtooydda Soomaaliya
Shir degdeg ah looga hadlayo xaaladda Congo DRC ayaa la filayaa in ay yeeshaan Madaxda dalalka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika