SO | EN

SO | EN

Gabdhaha Suxufiyiinta oo caqabado kala duwan kala kulma bulshada

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Gabdhaha suxufiyiinta Soomaaliyeed waxay door muhiim ah ka ciyaaraan kor u qaadista wacyigelinta bulshada, u doodista xuquuqda aadanaha, iyo horumarinta dimuqraadiyadda.

Joogitaankooda warbaahinta ayaa muhiim u ah gudbinta xogta kala duwan iyo xaqiijinta isu dheelitirka codadka ragga iyo haweenka ee saxaafadda.

Si kastaba ha ahaatee, waxay la kulmaan caqabado waaweyn.

Marka laga soo tago mushaharka yar ama aan la siin, gabdhaha suxufiyiinta waxay wajahayaan cadaadis bulsho oo yareeya doorkooda ama u arka in shaqada warbaahintu aysan habbooneyn dumarka, iyagoo u maleynaya in ay tahay inay guryaha joogaan.

Amiiro Suleiman, oo ka tirsan Kaab TV, ayaa sheegtay in bulshada Soomaaliyeed wali aysan si buuxda u aqbalin haweenka ka shaqeeya warbaahinta.

“Bulshadu wali ma aqbalsana suxufiyiinta haweenka ah, inkastoo ay jiraan isbeddello,” ayay tiri Amiiro.

Gabdhaha oo wajahaya cadaadis iyo ceebeyn 

Toddobaadkii hore, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa Muqdisho ku soo gabagabeeyay tababar ay ka faa’ideysteen haween suxufiyiin ka kala yimid gobollada dalka.

Taageero ay ka heleen Canada, ayay SJS isu keentay haween u dooda xuquuqda aadanaha oo aan helin fursado tababar si xirfadahooda loo xoojiyo.

Toddobaadkii hore, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa Muqdisho ku soo gabagabeeyay tababar ay ka faa’ideysteen haween suxufiyiin ka kala yimid gobollada dalka.
Toddobaadkii hore, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa Muqdisho ku soo gabagabeeyay tababar ay ka faa’ideysteen haween suxufiyiin ka kala yimid gobollada dalka.

Kawsar Barkhadle, oo ka tirsan Radio Gedo kuna sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxay ka mid tahay gabdhaha la tacaalaya caqabadaha. Gobolka Gedo waxaa ka jira amni darro, iyadoo kooxda Al-Shabaab ay xukumaan dhulka miyiga, ayna mamnuuceen in haweenku shaqeeyaan ama si xor ah u socdaan.

“Inaan suxufi noqdo waxay ahayd riyadayda, balse cadaadis badan ayaan la kulmay. Xitaa qoyskaygu waxay igu qasbeen inaan joojiyo, iyagoo shaqadayda ku tilmaamay mid aan habbooneyn,” ayay tiri Kawsar.

Waxay warbaahinta ku biirtay 2021, balse cadaadiska bulshada ayaa keenay in waalidkeed ay ku cadaadiyaan inay shaqada joojiso.

Si kastaba ha ahaatee, adkaysigeeda darteed, waxay ku guuleysatay inay qanciso qoyskeeda muhimadda shaqadeeda.

Gabdhaha suxufiyiinta ah ayaa si joogto ah ula kulma aflagaado iyo eedeymo ah inay ka hor yimaadeen dhaqanka iyo diinta, iyadoo qaar ka mid ah lagu tilmaamo erayo caay ah.

Arrintan waxay kalliftaa in gabdho badan ka baxaan shaqada si ay uga fogaadaan dhaleeceynta bulshada.

Anfa Aden Abdi, oo ah xoghayaha gender-ka ee SJS, ayaa ka mid ah haweenka u halgamaya xuquuqda suxufiyiinta dumarka ah.

Iyadoo la kulantay cadaadis badan, waxay hadda hoggaamisaa dadaallo lagu difaacayo xuquuqda haweenka suxufiyiinta, sida tababarro iyo olole lagu xoojinayo ammaankooda iyo xaqa ay u leeyihiin shaqada.

“Waxaan billownay in aan la hadalno maamulka warbaahinta si culeyska looga dulqaado gabdhaha suxufiyiinta, isla markaana wacyigelin badan loo sameeyo bulshada si loo fahamsiiyo muhiimadda doorkooda,” ayay tiri Anfa.

Waxay intaa ku dartay in muhiim ay tahay in haweenka saxaafadda loo arko inay door la mid ah ragga ka qaataan.

“Waxaan kaloo ugu baaqayaa gabdhaha inay halgankooda sii wadaan, oo aysan cadaadiska u joojin. Haa, waxaan nahay haween, waana awoodnaa,” ayay tiri Anfa.

Dhismaha kalsoonida, barashada xirfadaha, iyo kor u qaadista aqoonta ayaa la tilmaamay inay yihiin waxyaabaha muhiimka ah ee gacan ka geysan kara in gabdhaha suxufiyiinta Soomaaliyeed ay gaaraan heer ay si buuxda u helaan xuquuqdooda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News