Hargeisa (KAAB TV) – Dab xooggan ayaa ka kacay Suuqa Gobonimo, kaasoo dib u soo celiyay walaaca laga qabo dayacanka xarumaha ganacsiga ee muhiimka ah ee magaalada.
War-saxaafadeed ka soo baxay Booliska Somaliland, ayaa lagu xaqiijiyey inay goobta u direen saraakiil iyo dab-damisyo si ay u xakameeyaan dabka, isla markaana uga hortagaan inuu ku fido dhismeyaasha u dhow. “Ciidanka Booliska Somaliland waxa ay si degdeg ah uga jawaabeen dabkii ka kacay Suuqa Gobonimo, waxana ay si firfircoon ugu hawlan yihiin sidii ay u xakamayn lahaayeen iyaga oo gacan ka helaya Ciidanka Dab-demiska,” ayaa lagu yidhi qoraalka.