SO | EN

SO | EN

Ciidanka Puntland oo udaatay buuraha iyo godadka ku hareereysan Togga Jeceel ee buuraha

|

Calmiskaad (KAAB TV) – Ciidanka howlgalka ladagaalanka ciribtirka argagixisada Puntland ayaa maanta wada howlgal balaaran oo lagu beegsanaayo dagaalyahannada kooxda Daacish, waxa uuna howlgalkan maanta ka socda dhoor aag oo ay ugu horreeyaan togga Jaceel ee buuraha Calmiskaad.

Sidoo kale, Ciidamada oo aad u diyaarsan ayaana maanta wada howlgal si weyn loo qorsheeyay oo ka dhan ah kooxda Daacish, waxa ayna ciidamada u daateen buuraha iyo godadka ay ku dhuumaaleesanayaan kooxda Daacish.

Hawlgalkani oo lagu tilmaamay mid ka xooggan kana diyaarsan wejigii kowaad ee dagaalka buuraha Cal-miskaad oo ku ekaa Turmasaale ayaa lagu soo warramayaa in uu maanta guula muhiim ah ciidamada ka gaareen howlgalka socda.

Dhinaca kale, qaar kamid ah ciidanka ayaa saakay ku dhaawacmay qarax miino oo ku haleelay farumaha hore ee dagaalka, ciidamada dhaawacyada soo gaareen ayaa loo qaaday isbitaallo kuyaalla magaalada Boosaaso.

Sikastaba, Ciidamada maamulka Puntland, ayaa ku jira howlgal baaxad weyn ay ku doonayaan in guud ahaan kusoo afjaraan jiritaanka kooxda Daacish oo fariisimo waa weyn ka sameestay dhulka buuraha ee dhaca gobolka Bari.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News