Muqdisho (KAAB TV) – Dagaal culus ayaa saakey aroortii ka qarxay Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo waxaana ku dagaalamaya laba Ciidan oo kala taageersan Jubbaland iyo DF.
Sidoo kale, dagaalka oo ah mid xoogan ayaa goordhow ka qarxay bartamaha magaalada, waxaana labada ciidan ay isku hayaan gacan ku heynta degmadaasi.
Dhanka kale, dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dhawaqa rasaasta si xooggan looga maqlayo magaalada, isla markaana dagaalka uu yahay mid culus.
Dagaalkan ayaa dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalkan ayaa sababay dadka barakac dadka deegaanka ah in guryahooda ka qaxaan.
Xaalada degmada Baardheere ayaa ah haatan ah mid kacsan, waxaana wali halkaas laga maqlayaa rasaas teel teel ah.
Dagaalkan ayaa ka dhashay muran sababay gacan ku heynta degmada oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo Jubbaland oo maamulo iska soo horjeedo u magacaabay Baardheere.
Sikastaba, dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay guddoomiyihii degmada Baardheere dhowaan umagacowda DF Maxamed Ilyaas Caagane oo dowladda Somalia dhawaan Baardheere u magacowday.