SO | EN

SO | EN

Maxaa kasoo baxay kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Giorgia Meloni

|

Addis Ababa (Kaab TV)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni, kulan hordhac u ah shirka saddex-geesoodka dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya. 

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaare Meloni qorsheyaasha hirgalay ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada iyo muhiimadda ay u leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka xasilloonida Soomaaliya. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in guulo wax ku ool ah laga gaaray wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, dhawaanna uu bilaabanayo howl-gal wadajir ah oo ay ka qeyb-qaadanayaan dalalka safka hore ee dariska la ah Soomaaliya, maadama ay khatarta argagixisada, dhibaatada ay u geysanayaan dadka rayidka ah iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka ay wada saameysay Gobolka Geeska Afrika. 

Dhankeeda, Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni ayaa Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliyeed ku bogaadisay tallaabooyinka muuqda ee loo qaaday dhanka xasilinta iyo dowlad dhiska, waxa ayna soo bandhigtay garab istaagga dowladdeeda ee ku aaddan xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Soomaaliya nabad ah iyo Soomaali heshiis ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Addis-Ababa uga qayb gelaya shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaamiyeyaasha saddexda dal waxay ka arrinsanayaan dib u habaynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni.

 Madaxda seddaxda dalka ayaa shirkaas ku gorfeyn doona xal u helidda caqanadaha ay wadajirka u wajahayaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News