Congo (KAAB TV) – Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa Sabtida maanta ah dalka Tanzania kula kulmaya dhiggiisa madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi, iyadoo madaxda gobolku ay ka shirayaan si loo qaboojiyo colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Sidoo kale, Kooxda falaagada ah ee M23 oo ay dowladda Rwanda taageerto ayaa si degdeg ah u qabsatay dhul badan oo ka tirsan gobolka bariga DRC ee macdanta qaniga ku ah, weerarkaasi oo galaaftay nolosha kumannaan qof tiro aad u badanna ay ku barakeceen.
Dhanka kale, Kooxdan ayaa todobaadkii hore la wareegtay magaalada istiraatijiga ah ee Goma waxayna ku sii dhawaaneysay gobolka ku dhegan ee South Kivu, waana xiisaddii ugu danbaysay ee tobanaan sano oo colaadi ay ka jirtay gobolka.
Kagame iyo Tshisekedi ayaa ka qeybgalaya shir-madaxeed wadajir ah oo ka dhacaya magaalada Darusalaam ee dalka Tanzania, kaas oo ay isugu imaanayaan 8-da wadan ee Bulshada Bariga Afrika iyo 16-ka dal ee xubinta ka ah urur goboleedka Bulshada Horumarinta dalalka koonfureed ee Afrika.
Sikastaba, dowladda Rwanda ayaa beenisay in ay taageerto M23 balse warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in sanadkii hore ay ku dhawaad 4,000 oo askari ay Rwanda ka joogaan DRC ayna ka faa’iideystaan tahriibinta xaddi badan oo dahab iyo coltan ah -oo ah macdan muhiim u ah telefoonada iyo laptop-yada casriga ah.