Muqdisho (KAAB TV) -Madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev oo shir jaraa’id ay wada qabteen dhigiisa Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin Difaaca.
Hoggaamiyaha Azerbaijan ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku caawin karaan hubka casriga ah, si ay uga adkaato dagaallada ay kula jirto AS.
“Difaaca waa meelaha aan iska kaashan karno, Azerbajan waa mid kamid ah wadamada hubka soo saara, goobaha aan hubkaasi geyn karno ama ka iibin karno waa Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dhigiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada magaalada Baku, isla markaasna uu rajeynayo in dhigiisa Azerbaijan inuu yimaado Soomaaliya.
Labada dal ee Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa wada saxiixday heshiisyo la xiriira horumarinta waxbarashada, tamarta, amniga, iyo khibradaha dhanka maamul.