MUQDISHO (Kaab TV) – Sacuudiga ayaa fuliyay xukun dil ah oo lagu fuliyay Maxamed Nur Xuseen oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in uu dalkaasi si sharci darro ah ku geliyay maandooriyaha xashiishka.
Xukunka dilka, oo lagu fuliyay magaalada Najraan ee koonfurta Sacuudiga, ayaa si weyn loo dhaliilay, waxaana ehelada marxuumka ay sheegeen in uu helin xaquuq sharciyeed oo dhameystiran, oo ay ka mid tahay helitaanka qareen difaaca iyo fursad uu rafcaan uga qaato xukunka.
Sacuudiga ayaa si aad ah u kordhiyay xukunnada dilka, gaar ahaan kuwa la xiriira dambiyada daroogada.
Sida laga soo xigtay ururka Amnesty International, sanadkii 2024, dalkaasi waxa uu fuliyay 198 xukun oo dil ah, tiradii ugu badneyd ee la diiwaangeliyo muddo sanado ah.
Sacuudiga ayaa dadka ay qabtaan ku haya xabsiyo adag, waxaana aad u yar in dadka eedeysan ay helaan caddaalad buuxda oo ay isaga difaaci karaan eedeymaha loo jeediyo.
LIISKA SOOMAALI KALE OO DIL SUGAYAAL AH
Dowladda Soomaaliya ayaa wajahaysa caqabado la xiriira difaaca muwaadiniinteeda ku xiran dalal shisheeye, gaar ahaan kuwa ay xukunka adag ka jiraan.
Dowladda Federaalka ayaa ku fashilantay inay u doodo, oo ay difaacdo Maxamed Nur Xuseen ka hor intaan la dilin.

Haddaba, waxaan idiin soo gudbineynaa magacyada 44 ruux oo Soomaali ah, oo ay ku jiraan dumar, kuwaas oo Sacuudiga uu hadda doonaayo inuu dilo.
Dhammaantood waa muwaadiniin hadda ku jira xabsiyada dalka Sacuudiga, waxaana ay wajahayaan halis ah in lagu fuiliyo xukun qur-gooyo ah.
Kaab TV ayaa heshey liiskan.
- Maxamed Nuur Xuseen Gacal – Abgaal / Reer Mataan (Waa La dilay). Wuxuu ahaa aabe leh 5 carruur ah.
- Xamdi Cabdullahi Cabdiraxman Cali – Sheekhaal / Reer Aw Qudub
- Maxamed Carab Cumar Cabdi – Sheekhaal / Reer Aw Qudub
- Axmed Ibraahim Axmed Sheekh – Sheekhaal / Reer Aw Qudub
- Cumar Cabdi Cabdicasiis Khaliif – Sheekhaal / Reer Aw Qudub
- Axmed Maxamed Maxamuud Maxamed – Majeerteen / Idigfale
- Mustafe Cabdi Maxamed Ismaaciil – Akishe
- Cabdiraxmaan Cali Maxamuud Cabdoo – Dagoodi / Saransoor
- Ramadaan Xuseen Geedi – Ciise / Furlabe
- Cabdullahi Axmed Cabdi Cali – Dhulbahante / Faarax Garaad
- Ibraahim Cabdi Jaamac – Dhulbahante / Maxamuud Garaad
- Siyaad Faarax Jaamac Cumar – Geri Koombe
- Farxaan Cabdi Maxamed Qalinle – Samaroon / Reer Maxamed
- Axmed Aadan Xasan Ducaale – Samaroon / Reer Maxamed
- Cabdiqaadir Maxamuud Cali Absuge – Harti Abgaal / Agoonyar Gaababe
- Cabdiqaadir Ibraahim Axmed Cadaawe – Harti Abgaal / Abuukar Gaabane
- Axmed Maxamuud Ismaaciil Cabdiraxmaan – Raxanweyn / Hadimo
- Cali Cabdiraxman Mursal Aadan – Raxanweyn / Hadimo
- Khalid Cabdi Ibraahim Carab – Habasguul / Guuleed Jaamac
- Jawhar Ibraahim Dayib Cabdullahi – Habasguul / Xasan Cismaan
- Maxamuud Cabdiraxman Ibraahim – Habasguul / Garuure
- Cabdiqaadir Maxamed Xuseen Bare – Ogaadeen / Camar
- Mukhtaar Macalin Cabdi Maxamed – Ogaadeen / Camar
- Maxamed Awal Cali Xuseen – Ogaadeen / Camar
- Cabdinuur Axmed Yasiin Sheekh – Ogaadeen / Camar
- Cabdiraxmaan Xasan Cabdi – Ogaadeen / Camar
- Cabdi Kaamil Maxamed Xuseen – Ogaadeen / Camar
- Cabdiraxmaan Cali Maxamed Maxamed – Ogaadeen / Camar
- Cabdi Asad Axmed Sulub – Ogaadeen / Makaahiil
- Cabdiraxmaan Xasan Cumar Cali – Ogaadeen / Makaahiil
- Xasan Axmed Cabdullahi Maxamed – Ogaadeen / Makaahiil
- Maxamuud Aadan Sulub Bile – Ogaadeen / Makaahiil
- Cumar Axmed Maxamuud Cali – Ogaadeen / Cawlyahan
- Maxamed Bedel Aadan Faarax – Ogaadeen / Cabdale
- Maxamuud Axmed Yuusuf Maxamuud – Ogaadeen / Cabdale
- Maxamed Maxamed Ibraahim Cabdullahi – Ogaadeen / Reer Isaac
- Irshaad Cali Muuse Caraale – Ogaadeen / Reer Isaac
- Zekeriye Yaxye Muxsin Cabdullahi – Ogaadeen / Reer Isaac
- Waliid Cabdi Jadiido Cabdisamad – Ogaadeen / Reer Isaac
- Ismaaciil Aadan Saabir Burhan – Ogaadeen / Reer Isaac
- Cabdiwali Maxamed Cabdi Cali – Ogaadeen / Reer Cabdile
- Xuseen Mahdi Boore – Ogaadeen / Reer Cabdile
- Axmed Cali Maxamed Cabdiwaaxid – Ogaadeen / Reer Cabdile
- Bashiir Maxamed Cabdiqaadir Saalix – Ogaadeen / Reer Cabdile
- Axmed Aadan Cabdi Ibraahim – Ogaadeen / Reer Cabdile