SO | EN

SO | EN

Caasho Muuse: 80 jir ka cabaneysa ganacsato dowladda ku xiran oo xoog ku qabsaday bartii ay ku ganacsan jirtay

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Caasho Muuse Yuusuf, oo 80 jir ah, ayaa sheegtay in dhulkeedii xoog lagu qaatay kadib markii dukaankeeda ku gubtay dabkii ka kacay suuqa Xamar Weyne bishii Nofembar 2023.

Haatana waxay la’ dahay meel ay ku shaqeyso.

Markii uu dabku ka kacay suuqa, waxaa dadka ku jira suuqa loo sheegay in markii dabka la damiyo ay dib ugu soo laaban doonaan goobahoodii.

Si kastaba, ma dhicin, waxaana goobtii ku habsaday dad ay sheegtay in dhaqaale iyo awood heystaan, iyadoo haatan lagu xujeeyay inay lacag ku bixiso isla goobtii ay fadhin jirtay.

Hooyadan, oo 23 carruur ah ka korisa miis yar oo ay ku heysatay suuqa Xamar Weyne, ayaa codsi u dirtay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka codsaneysa in la siiyo meel yar oo ay ku ganacsato.

Waxay si gaar ah u sheegtay in aysan codsanin in lacag la siiyo, balse kaliya codsigeedu yahay inay hesho goob ay ku shaqeyso si ay qoyskeeda uga kaafiso.

Muqdisho ayaa beryahan waxaa ka soo kordhay ganacsato iyo siyaasiyiin dowladda ku jira oo ku habsaday dhulalka iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada, kuwaas oo dadkii hore ugu noolaa ama ugu ganacsan jiray ka barakicinaya.

Dhibaatadan ayaa saameysay kumanaan ruux oo ku hoy iyo shaqo beelay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News