Muqdisho (KAAB TV) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka ugu tegay Abiy iyo wafdigiisa, halkaas oo uu sidoo kale salaan sharaf uga qaatay cutubyo gaar ah oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo diyaariyay soo dhaweyntiisa.
Dhanka kale, ujeedka safarka Abiy ayaa larumeysanyahay in uu yahay dhammeystirka heshiiska labada dal iyo sidii bog cusub loogu furi lahaa xiriiirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa.