NAIROBI (Kaab TV) – Dowladaha Masar iyo Eritrea ayaa bilaabay shir deg deg ah oo ay ku yeelanayaan caasimadda dalka Eritrea ee Asmara ka dib booqashadii uu Raisul Wasaaraha Itoobiya ku tagay Muqdisho.
Raisul Wasaare Abiy Axmed Cali ayaa Khamiistii booqasho ku tagay magaalada Muqdisho iyadoo ay taasi qeyb ka ahayd soo afjaridda khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya u dhexeeyay ee soo jiitamayay muddada sannadka ahayd.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa Sabtidii Badr Abdelatty ayaa deg deg u gaaray caasimadda Asmara wuxuu halkaas kula kulmay Madaxweynaha Eritrea, Isias Afwerki.
Masar, Eritrea iyo Soomaaliya ayaa bishii Oktoobar 2024 sameystay iskaashi saddex geesood ah, kaas oo la sheegay in ujeedkiisu ahaa in looga hortago damaca Itoobiya ee ku aaddan Badda Cas.
Hadda waxaa kooxda saddex geesoodka ka baxay Soomaaliya iyadoo Dowladda Soomaaliya ay toos ula heshiisay Itoobiya, waxayna tallabadaas caro gelisay Masar iyo Eritrea.
Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Meskel waxaa labada dowladood ee Masar iyo Eritrea u socda kulan ay kaga arrinsanayaan xaaladaha soo kordhay ee gobolka Geeska Afrika.
“Iyada oo qayb ka ah wada-tashiyada laba-geesoodka ah ee joogtada ah, Madaxweynaha Isaias Afwerki ayaa xalay kulan kula yeeshay Guriga Martida ee Denden wafdi ka socday Masar oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Badr Abdelatty,” ayuu yiri wasiirka.
“Wadahadalka ballaaran ayaa diiradda saaray xoojinta iskaashiga labada dal iyo arrimaha gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika iyo Badda Cas, ee ay labada dhinac wadaagaan muhiimaddooda,” ayuu ku sii daray.

Qodobada si qoto dheer loo falanqeeyay
“Qodobada si qoto dheer loo falanqeeyay waxaa ka mid ah: raadinta xal degdeg ah oo nabadeed loogu helo colaadda ka taagan Suudaan; dadaallada socda ee lagu dhisayo qaranka Soomaaliya; iyo caqabadaha nabadda iyo amniga ee Geeska Afrika iyo Badda Cas,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Meskel.
Masar ayaa horey hub iyo saanad militari u siisay Soomaaliya, halka Eritrea ay ciidamo u tababartay Dowladda Soomaaliya.
Waxyaabaha kale ee Masaarida ka xanaajiyay ayaa ah in heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya uu horseed ka yahay Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo ah nin ka tirsan kooxda Ikhwaanul Muslimiin oo ay Dowladda Masar dagaal kula jirto.
Dhanka kale, waxay hubanti la’aan soo wajahday ciidamadii Masaarida ee horey loo ballanqaaday inay ka mid noqdaan hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, ka dib markii toddobaadkii hore ay Itoobiya iyo Soomaaliya wada gaareen heshiis ah in gobollada Baay, Bakool, Gedo iyo Hiiraan ay ka hawlgalaan ciidamada Itoobiya.
Gobolladaan ayay Dowladda Muqdisho sannadkii hore sheegtay inay geyn doonto ciidamada Masar ee ku soo biiraya AUSSOM.