Nairobi (KAAB TV) – Xisbiga madaxweyne Ruto iyo kan mucaaradka ee Raila Odinga ayaa jimcihii kala saxiida heshiis dhinacyo badan oo ay qeyb uga noqon doonaan go’aan qaadashada siyaasadda dalkaas.
Sidoo kale, arrintan ayey dadka dhaliilaya waxa ay ku tilmaameen isku day lagu aamusinayo mucaaradka madaxweyne Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn Raila Odinga ayaa heshiiskan kala saxiixday Jimcihii, iyadoo taageerayaashoodu dibadbax balaaran ka dhigeen magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Mucaaradka weyn ee Raila Odinga, oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Orange Democratic Movement, ayaa sheegay in heshiiskii Jimcaha uusan ahayn isbahaysi siyaasadeed cusub, balse uu yahay heshiis gacan ka geysanaya dhismaha dalka.
Dhanka kale, madaxweyne Ruto, oo ah hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee United Democratic Alliance, ayaa shaaciyay in hoggaamiyayaashu had iyo jeer qaataan go’aanno siyaasad ahaan sax ah, balse aan wax badan u goyeyn karin dadka Kenya.
Raila Odinga waxa uu sheegay inuu had iyo jeer qaato “go’aanno adag” oo danta dadka kale ee Kenya laga leeyahay.
Sikastaba, Raila Odinga iyo madaxweyne Ruto ayaa sheegay in heshiiskoodu aanu ahayn mid xilalka dowladda lagu qaybsanayo, balse uu yahay hannaan loogu talo galay wada-tashiga arrimaha masiiriga ah ee taabanaya dadka Kenya.