SO | EN

SO | EN

Ciidamada ammaanka ee Baardheere oo toogasho ku dilay nin ay ku eedeeyeen inuu ka tirsanaa Al-Shabaab

|

Baardheere (KAAB TV) –  ammaanka ee magaalada Baardheere ayaa toogasho ku dilay fiidnimadii jimcaha nin ay ku eedeeyeen inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, kaasi oo la sheegay inuu isku dayay inuu fuliyo xilli afur ah, sida ay sheegeen maamulka degmadaasi.

Taliyaha Nabad Suggida ee Degmada Axmed C/laahi, ayaa sheegay in Eedeysanaha oo ku hubeysnaa Bastoolad, ay rasaas is weydaarsadeen Ciidamada Nabad Suggida, ka dib markii ay soo qabteen. Inta uu socday iska horimaadka ayaa la sheegay in uu ku dhintay, balse waxaa ku dhaawacmay labo qof oo shacab ah, kuwaasi oo ka mid ahaa koox ka afureysay meel u dhow.

“Ninka dilka geystay oo aan xogtiisa helnay ayaa qorsheynayay inuu dil ka geysto goob ay ku afurayeen dad shacab ah, markii la soo qabtayna wuxuu isku dayay inuu iska caabiyo bistoolad, kadibna ciidamada ayaa dhexda ka galay, nasiib darrose rasaastii uu furay waxaa ku dhaawacmay labo ruux.” Ayuu yiri Taliye C/llaahi.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka Baardheere si loogu dabiibo. Maamulka ma aysan shaacinin ruuxa la qabtay balse waxa ay xaqiijiyeen in lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab.

Taliye C/llaahi ayaa intaa ku daray in ciidamada ammaanka ee degmadaas ay feejignaan dheeri ah ku jiraan, isla markaana ay u diyaar garoobeen ka hortagga khatar kasta oo kaga imaan karta Al-Shabaab oo ay u aqoonsan yihiin Argagixiso sida uu yiri Soomaaliya, Mareykanka, Qaramada Midoobay iyo dalal kale oo dhowr ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dhacdadan. Kooxdan ayaa inta badan beegsata dadka rayidka ah, saraakiisha dowladda, iyo ciidamada ammaanka ee ka soo horjeeda dowladda federaalka Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News