SO | EN

SO | EN

Xuutiyiinta yemen oo soo riday diyaarad nooca dagaalka ah oo uu Mareykanka leeyahay

|

Yemen (KAAB TV) – Kooxda Xuutiyiinta, ayaa xalay ku guuleestay in ay soo ridaan mid kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dowladda Mareykanka u adeegsato basaasida iyo sidoo kale weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Yemen.

Sidoo kale, Warbaahinta taageerta Xuutiyiinta, ayaa baahiyay in xalay Xuutiyiinta soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka oo nuuceedu ahaa MQ-9 Reaper, taa oo noqonaysa middii 18 ee Xuutiyiinta ay ka soo ridayaan Mareykanka .

Dhanka kale, diyaaradan ay soo rideen Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa midiiba lagu qiimeeyaa in ay ku fadhiso lacag gaareysa  33 milyan oo dollar,  waxa ayna isku darka diyaaradaha Xuutiyiinta soo rideyn lacagtooda noqoneysaa  594 milyan dollar.

Sikastaba, Mareykanka, ayaa weeraro badan ka fuliyay gudaha dalka Yemen, gaar ahaan saldhigyada kooxda Xuutiyiinta, hasa ahaatee Xuutiyiinta ayaan wali joojin weerarada ay ka geestaan gudaha Israa’iil iyo sidoo kale kuwa ay ku qaadaan Maraakiibta dagaalka Mareykanka ee ku sugan badda Cas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News