SO | EN

SO | EN

Soomaaliland oo Mareykanka saldhig Milateri kasii neyso magaalada Berbera

|

Hargeysa (KAAB TV) – Madaxweynaha  maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo Waraysi gaar ah siiyay wargeyska The New Yourk Times ee kasoo baxa Mareykanka, waxa uuna wareysigan kaga hadlay Cirro arrimo dhowr ah oo khuseeya xaalada Soomaaliland iyo rabitaankooda aqoonsi raadinta ah.

Sidoo kale, Wareysiga uu bixiyay ayuu Madaxweyne Cirro, ku sheegay in  Somaliland tahay dal madaxbannaan oo  ku yaalla goob istaraataji ah, waxa uuna xusay in Somaliland tahay dhul hodan ah oo leh khayraad fara badan oo kala duwan oo dabiici ah, berri iyo badba.

Dhanka kale, Cirro ayaa Maraykanka u soo bandhigay in ay si buuxda u isticmaali karaan saldhiga millatari iyo garoonka diyaaradaha  ee Berbera oo ku yaalla goob istaraataji ah oo mudnaan weyn u leh amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo weliba isu socodka ganacsiga Caalamka.

Waxa uu sheegay Cirro  in isaga iyo dadkiisaba ay aaminsan yihiin in marka la eego fahamka sare ee uu Madaxweyne Donald Trump u leeyahay fursadaha xagga ganacsiga caalamka ay dhalin doonto in uu aqoonsado maamulka Somaliland.

Sikastaba, maamulka Soomaaliland, oo raadin badan ugu jirta in ay hesho aqoonsi, waxa ayna hadda dowladda Mareykanka ku qalqaalinayaan in saldhig milatari ka dhigtaan magaalada Berbera, si ay mustaqablak uga helaan aqoonsi u horseedi kara in ay noqdaan dal madaxbannaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News