Shabeellaha Hoose (KAAB TV) –Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya kuwa Booliiska degmada Wanlaweyn ayaa howlgal ballaaran ka fuliyey deegaanno dhowr ah oo hoos yimaada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, si ay uga hortagaan dhaqdhaqaaqyada kooxda AS.
Howlgalka oo si gaar ah ay u fuliyeen cutubyo ka tirsan Ururka 64-aad Guutada 7-aad ee qeybta 12-ka April oo garab ka helaya ciidanka Booliiska degmada, ayaa waxaa hoggaaminayey Taliyaha Booliiska degmada Wanlaweyn, Taliye Cabdulle Isaaq.
Ciidamada ayaa howlgalka ka sameeyay deegaannada kala ah Tabeellaha, Sharay, Warmaxan, Tixsiile iyo Waraaboole, halkaas oo ay sheegeen in ay ku burburiyeen saldhigyo ay AS u adeegsan jireen qorsheynta weerarada.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in laga hortagay weerarro la qorsheynayay, isla markaana lagu raad joogo xubno ka tirsan AS.
Taliska Booliiska degmada Wanlawayn ayaa ayaa sheegay in howlgalka ay gacan ka siiyeen shacabka deegaanka, isaga oo ugu baaqay in ay qeyb ka qaataan sugidda nabadda.
Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka deegaanka ayaa kordhiyay howlgallada ay uga hortagayaan weerarada AS.