SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday degmada Aadan Yabaal

|

Aadan Yabaal (KAAB TV) –    Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana xigay dagaal culus oo toos ah.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lasoo warinayaa inay saddex jiho ah ka weerareen degmada, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa u sheegay warbaahinta in weerarka qaraxyada ah iyo dagaalka ay ka dhasheen khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan weli la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Dagaal u dhexeeyay ragga weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ayaa weli ka socda halkaasi, wuxuuna kusii fiday qaybo horleh oo kamid ah degmada Aadan Yabaal.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab weerarkooda uu xoogan yahay, ayaga oo si kasta iskuugu dayayo inay cagta mariyaan saldhigyada ciidamada ee ku yaalla halkaasi, si ay kadib ula wareegaan, waxaase soconyo iska caabin ay wadaan ciidamada huwanta.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya, maadaama uu weli socda dagaalka ay Al-Shabaab kusoo qaadeen halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana labada dhinac ay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii dareyso dagaalka ka socda halkaasi.

Aadan Yabaal ayaa kamid ah degmooyinka waa wayn ee horay looga xoreeyay Khawaarijta, iyada oo sanad kahor u ahayd saldhigga ugu weyn ee Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo sidaan oo kale ay maalmo kahor Al-Shabaab qaraxyo ugu weerareen deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo deegaanno kale oo ku yaalla HirShabelle.

Al-Shabaab ayaa inta badan weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Labada Shabeelle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News