SO | EN

SO | EN

Meydadka Alshabaabkii soo weeraray deegaanka Burjeed oo lageeyay Beydhabo

|

Beydhabo (KAAB TV) – Shacabka magaalada Beydhabo, ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka magaaladaasi, iyaga oo ku faraxsan una dabaaldegaya jabkii saakay kooxda Al Shabaab lagu gaarsiiyay weerar ay kusoo qaadeen deegaanka Burjeed ee duleedka Beydhabo.

Sidoo kale, Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaa shanaaya kuwa darawaiishta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa iska caabiyay weerar Alshabaab kusoo qaadeen, waxa Waxaana Alshabaab halkaasi looga dilay maleeshiyaad badan oo kooxda daacad u ahaa, waxaan meleeshiyaadka halkaasi lagu laayay hoggaaminaayay nin ajaanib ahaa.

Dhanka kale, meydadka xubnaha Al Shabaab ee dagaalka loogfa dilay oo ay kujiraan horjoogayaal ayaa waxaa lagu jiid jiidaayay xaafadaha deegaanka Burjeed, iyadoo halka meydadka kale loosoo qaaday magaalada Beydhabo oo la arkaayay iyagoo lagu jiid jiidaayo laamiyada magaalada Beydhabo.

Magaalada BEydhabo waddooyinkeeda, ayaana waxaa isugu so baxay dadweyne badan oo ku faraxsan guusha ay gaareen ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, waxa ayna shacabka bogaadinayeen ciidanka kahor tagay dhagarta kooxda Al Shabaab.

Sikasataba, shacabka Koonfur Galbeed ku dhaqan, ayaa dhibaatooyin badan kala kulma kooxda Al Shabaab, oo go’doomiyay muddo sanado ah magaalooyin iyo deegaanno badan oo katirsan Bay iyo Bakool, waxa ay sidoo kale kooxdaasi xoog ku ciidamiyeen dhallinyaro badan oo waalidkooda qasab looga kaxeeyay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News