JOWHAR (KAAB TV) – Kooxda Al Shabaab, ayaa shalay weerar culus oo gaadmo ah waxa ay kusoo qaadeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo dhiig badan ku daatay uuna khasaaro soo kala gaaray labada dhinac.
Weerarka kaddib ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa xerada isaga baxay, iyagoo u cararay deegaanka Aadan Yabaal udhow, oo ilaa iyo hadda ay ku suganyihiin, waxaana Alshabaabkii halkaas soo weerartay usuuro gashay in ay lawareegaan guud ahaanba degmada Aadan Yabaal oo bilihii lasoo aheyd saldhig ay ku sugnaayeen Taliyihii ciidanka xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Ragge iyo guddoomiyihii maxkamadda ciidamada G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo muddooyinkii dambe halkaasi ujoogay dardar gelinta dagaalka ka dhanka Alshabaab.
Dhanka kale, weerarkii degmada Aadan Yabaal, ayaan nolol iyo geeri wali lagu la’yahay saraakiil iyo ciidamo karirsan milatariga Soomaaliya, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Al Shabaab saraakiisha iyo askarta qaar ay dileen ,halka kuwa nool noolna gacanata ku dhigeen, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ay Alshabaab barahooda bulshada ku baahiyeen muqaalo iyo sawiro askar ay nolasha ku qabteen.
Saraakiisha ilaa hadda la’ layahay waxaa kamid ah, taliyihii ururka 87 ee Guutada 77 Ismaaciil Ciise Maxamuud Tuuryare, inkastoo goor sii horeysay ay Alshabaab shaaciyeen in Ismaaciil Tuuryare ku dileen weerarkii shalaya ee degmada Aadan Yabaal, lakiin lama xaqiijin xogta saxda ay ee dhimashada taliye Ismaaciil Tuuryare.
Sidoo kale, taliye Ismaaciil Tuuryare iyo ciidankiisa ayaa lasheegay in ay dagaal adag lagaleen Alshabaab aagga ay kaga sugnaayeen xerada lasoo weeraray, lakiin taliyaha iyo ciidankiisa ayaa ugudambeyntii waxa ay waayeen gurmad soo gaara waxaana guud ahaanba looga baxay xerada, qaar kamid ah ilaaladiisana waxa ay ku geeriyoodeen dagaalkii iska caabinta ahaa.
Dowladda Soomaaliya, ayaana si rasmi ah uga hadlin dagaalkii shalay ka dhacay degmada Aadan Yabaal iyo khasaaraha ka dhashay, waxa ayna dowladda diyaarineysaa duullaan rogaal celis ah oo ay ku dooneyso in ay dib ugula wareegto degmada Aadan Yabaal.