MUQDISHO (KAAB TV) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa dagaal culus ku qaaday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe, kaddib markii Alshabaab halkaasi shalay ay lawareegeen.
Sidoo kale, dagaalkan ayaa waxaa hoggaaminaayo taliyaha ciidanka xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raagge iyo guddoomiye Shuute, waxa ayna rabaan in markale maanta ay dib ula wareegaan Aadan Yabaal.
Dhanka kale, weerarkan ayaa imaanayo kaddib markii diyaaraha dagaalka ee Mareykanka ay xalay duqeymo ka fuliyeen degmada Aadan Yabaal, Mareykanka ayaana shaaciyay in duqeyntaasi uu ku dilay horjoogayaal katirsanaa Alshabaab.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa dagaal adag kula kooxda Alshabaab, waxaana maalmihii lasoo dhaafay Al-Shabaab laga qabsaday deegaano iyo degmooyin badan sida Masaajid Caligaduud, Aboorey iyo Ruun-nirgood, balse, Alshabaab ayaa dib isu soo abaabushay waxa shalay lawareegeen degmada Aadan Yabaal.
Sidoo kale, Al-Shabaab waxa ay xalay qabsadeen deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan iyadoo wax dagaal ah uusan ka dhici, iyadoo ay xusid mudantahay in siddeed maalmood oo xiriir ah in uu dagaal culus uu ka socday Aboorey, balse ugu dambeyn ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa xalay isaga soo baxay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.