SO | EN

SO | EN

Somaliland oo 3 maalmood u qabatay dadka aan heysan sharcigeeda in ay uga baxaan magaalooyinkeeda.

|

HARGEYSA (Kaab TV) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa soo saartay amar ay ku saareyso dadka aan heysan sharciga Somaliland.

Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdale Maxamed Carab, ayaa loo qabtay muddo saddex cisho inay ku baxaan dhammaan ajaaniibta aan heysan sharciga Somaliland.

“Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab Ayaa amar kasoo Saaray Dadka Ajaaniibta Ah Ee Aan Haysan Sharciga Dalka JSL,” ayaa lagu yiri wareegtada oo soo baxday maanta oo Talaado ah.

Muddada saddexda cisho ayaa ka bilaabaneysa Arbacada berito ee 30 Abriil waxayna ku eg tahay 2 May 2025.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News