MUQDISHO (Kaab TV) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee la filayey inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho berri oo Khamiis ah, 1-da May 2025, ayaa baaqday.
War saxaafadeed kooban oo lagu faafiyay barta Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in shirkan dib loo dhigay kadib wadatashi ay yeesheen madaxda Qaranka.
“Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo si rasmi ah uga furmi lahaa magaalada Muqdisho berrito, ayaa kadib wadatashi ay yeesheen Madaxda Qaranku waxa ay ku go’aamiyeen in shirku qabsoomo maalinta Isniinta ee 5ta bisha Maajo 2025,” ayaa lagu qoray barta Facebook ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.
Madaxda Qaranka ayaa sheegay in dib u dhigista shirka ay tahay mid loogu gogol xaarayo wadatashi dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee looga hadlayo shirka, iyadoo la doonayo in lagu gaaro natiijo mideysan oo dan u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Xogaha Kaab TV soo gaaray ayaa sheegaya in shirka uu u baaqday iyadoo Puntland State House iyo Jubbaland ay ku adkeysteen in shirka la geeyo Garoowe, balse madaxweyne Xasan Sheekh uu diidan yahay in Garoowe uu tago.
Xubnaha beesha caalamka oo dhowaan la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku cadaadinaya inuu la yimaado tanaasul dalka lagu badbaadiyo, xilli shirka madasha uusan qabsoomin tan iyo bishii Oktoobar 2024.
Khilaafka u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowlad gobolleedyada ayaa si weyn u hareeyay shirkan, waxaana ay saameyn ku yeelatay hawlgaladii lagula dagaalamayay Al-Shabaab, iyadoo kala qeybsanaanta siyaasadeed ay wiiqday geddi socodka nabadeynta Soomaaliya.
Ma cadda in 5ta May uu qabsoomi doono shirkan oo dhowr jeer oo hore baaqday.