Muqdisho (KAAB TV) -Waxaa maalintii labaad galay shirka golaha wadatashiga qaranka ee Shalay ka furmay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo uu shir guddoominaayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkaan ayaa waxaa si rasmi ah uga qeybgalay Raysal wasaaraha Soomaaliya, ku xigeenkiisa koowaad madaxda dowlad goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, SSC Khaatumo iyo maamulka gobolka Banaadir.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in Shirkaan oo ah mid heer qaran ah looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, howlgallada xureynta deegaanada ay ku harsan yihiin Al-shabaab, dhamaystirka dastuurka iyo dib u dhiska ciidamada iyo horumarinta dowladnimada.
Si kastaba ha ahaatee shirkaan Wadatashiga Qaranka waxaa ka maqan oo aanan kasoo qeyb galin madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo uu khilaaf adag kala dhaxeeyo dowladda Fedaraalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in madaxdaani lagu casuumay shirka.
Gabagabada shirkaan waxaa la filayaa in madaxdu kasoo saaraan war murtiyeed rasmi ah oo ku saabsan wax yaabaha ay ku heshiin doonan madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleeyada ee ka qeybta ka ah shirkaan, iyadoo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed si gaar ah indhaha ugu hayaan natiijooyinka kasoo bixi dooona ganaanudka shirkaan.