SO | EN

SO | EN

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dagaal kula wareegay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

|

JOWHAR (KAAB TV) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kaso baxaya weerar qorsheysnaa oo Xalay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku qaadeen goob ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku taala gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada iskaashanaya ayaa weerarka si gaar ah uga qaaday tuulooyinka kala ah Towfiiq iyo Geedi xeyr, iyagoona dagaal kula wareegay tuulooyinkaan oo hoostaga deegaanka Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka ayaa warbaahinta u sheegay iney heleen xogta xubno ka tirsan Al-shabaab oo isku aruursanayay deegaanada ku dhawdhaw Masaajid Cali Gaduud, taasina ay keentay iney weerar culus ku qaadeen ayna la wareegaan goobaha ay isku aruursanayeen kooxdu.

Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen in weerarka Xalay lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab, hayeeshee maysan sheegin tirada rasmiga ah oo ay weerarka ku dileen, waxaana saakay wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in ciidamadu wali ka wadaan deegaanadaan howlgalo amni xaqiijin ah.

Si kastaba ha ahaatee gobolka Shabeellaha Dhexe waxa uu ka mid ah yahay gobolada bilihii lasoo dhaafay sida xoogan uga socdeen howlgalada ka dhanka Al-shabaab, walow todobaadyadii lasoo dhaafay uu gaabis ku yimid.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News